Madaxweyne Xasan Shiikh: Eedeysane aan dembi lahayn. W/Q Axmed Calasow

Xasan Sh. Maxamuud waa eedeysane aan wax dembi ah lagu hayenin, dembiga kaliya uu galay waa inuu Somali Madaxweyne u naqday.  Waxaan soo xasuustay sheeko aan beri akhriyay oo ku tiilay buugaag Ingiriiska laga barto oo ay lahaayeen mid ka mid ah bicthadi kaniisadihi ka fuary dugsiga degmada Mahaday, kuwaasoo magalada Xamar ku lahaa dusgi lagu barto af-Ingiriiska.  Sheekada oo kooban waa sida soo socota:

Oday iyo will yar uu dhalay ayaa galay safar iyagoo dameer wata, odagi ayaana dameerka koray..markey muddo socdeen ayeey la kulmeen dad kale kuwaasoo ku yiri odagii: war isku xishoo oo wiilka yar dameerka saar, adigana iska lugeey.  Sidii ayey yeeleen. Muddo kaddib ayey dad kale ka hor yimaadeen oo ku ceebeeyay wiilkii: war aabahaa oo lugeynaya ayaad adigi dameerka saran tahay.

Markaaseey ka degeen oo waa fikireen waxayna go’aansadeen in labadooduba ay dameerka koraan..markey xoogaa socdeen ayey dad kale la klulmeen illeen waa dad safar ah..markaasaa lagu yiri war isku xishooda ee dameerka masikiinka ah ka dega.  Odagi iyo willkiisi waa fikireen : dameerki markuu odagu koray lagu ceebee, markuu wiilki korayna sidoo kale, markey isla koreena kaba daran..waxay go’aansadeen in dameerkaba ay qaadaan waana sameeyeen.

Iyagoo dameerki sida ayey qolooyin kale la kulmeen, markaasaa la yiri: war ma waalateen, dameerka waa la koraa ee isaga lama xambaaro ( put the donkey down)…haddaba yaa haaya dariiq dadka eedooda looga badbaadi karo?

Madaxweyne Xasan Sheikh waa sidi nin madax u noqday dad wada dhar la’…markuu yimid ayuu shaatigi iska siibay isagoo fulinaya oraahdi ahayd “ meeshaad tagto sey u taal aa loola yaal”

Markaasey dadki ku keceen iyagoo dhahaaya Madaxweynihi waa dhar dhigtay. Waana ceeboobay!!! markaasuu yiri oo idnkuba dhar ma sidatiine.  Jawaabtoodu waxay noqotay annagu waxaa nahay barlamaanki iyo madaxdi gobollada!!!..marka annaga ha nagu dayan!!!

Madaxweyne Xasan Sheikh waxa haysta waa taa oo kale, meel uu uga badbaado eedeyn waa la waayay.  Tusaale gaaban: Xasan Daahir Aweys waa dembiile mujrim ah oo ummadda ka galay gabood-fallo aad u waaweyn oo isgu jira dil, qaxin,burburin hanti iyo nabadgelyo la’aan..haddii la xiro dadbaa dacwo qaba haddii la daayana qaar kalaa soo baxaya…kaa waxaa ka daran  qaar dalki oo dhan iib geeyay oo wax alla wixii muqaddas noo ahaa ku iibsaday in iyaga lagu magacaabo ama loogu yeero Madaxweyne..waxayna gobannimo ka doorteen inay kaba qaad u noqdaan Kenya iyo Ethiopia.  Kuwa aan sheegeyno waxaa ugu daran oo diyaar u ah inay Somali oo dhan halaagan oo ay dilaan kuwa ku nool dalka woqooyigiisa iyo koofur galbeed. Madaxda gobolladaa seddaxda ah waxay diyaar u yihiin in nin Kenyaan ama Ethiopian ah ay u sajuudaan haddii madaxweyne looga soo dhigo oo ay gunnimo ka doortaan goboannimo dadkooduna ay u sacaba tumaayaan iyagoo u arka halyeeyo..waayoo mahmaahdi Talyaniga waxay ahayd (Ogni popolo ha il suo geverno). Shacab walba dowladda uu mudan yahay ow helaa.

Somali galbatay dowlad dambena ma noqoneyso. 

W/Q: Axmad Calasow

ahmedalasso@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid