Muungaab oo oggolaaday KAXDA in ay degmo tahay markii uu ogaaday in…

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Gen Xasan Xuseen Muungaab ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah u aqoonsaday degmada KAXDA isagoona ka laabtay go’aan uu horrey u gaaray oo ahayd in uu didday degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Kaxda, Cabdiweli Yuusuf Cumar, oo caawa la hadlaayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in guddoomiyaha gobalka Banaadir uu maanta u yeeray isagoona u sheegay in degmada Kaxda ay tahay degmo ka mid ah 17-degmo ee ka dhisan Muqdisho.

Wuxuu sheegay oo kale in uu Muungaab ku yiri soo shaqo gal hadda oo imow xafiiska maamulka gobalka Banaadir oo ka soo qeybgal kulamada ay lee yihiin guddoomiyaasha degmooyinka gobalka.

“Maanta oo Khamiis ah waxaa ii yeeray guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, wuxuuna iigu hambaleeyay in degmada Kaxda ay tahay degmo buuxda oo ka mid ah degmooyinka Muqdisho, waxaana uu igu yiri hadda kaddib soo shaqo gal oo imow xafiiska” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Kaxda.

Mar uu la weydiiyay sababta Muungaab uga laabtay go’aankii uu ku diidday degmada Kaxda kal horre?

Wuxuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan hadlay uu sheegay in degmada Kaxday shuruudaheeda ah in ay degmo tahay ay ku xiran tahay wasaaradda arrimaha gudaha, isla markaana wasaaradda ay soo gudbisay in Kaxday ay tahay degmo Buuxisay shuruudihii laga rabay marka siddaas ayaa keentay in Muungaab uu ka laabto go’aankiisa” ayuu yiri Cabdiweli Yuusuf Cumar.

Si kastaba, waxaa jirtay in culeyso ballaaran oo la saaray madaxweynaha iyo wasaaradda arrimaha gudaha si Kaxda loogu aqoonsado degmo jirta oo mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Arrintaas waxaa waday xildhibaanno, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda beesha degta degmada Kaxda kuwaasoo xittaa ku hanjabay in dowladda ay kala laaban doonaan aqoonsiga iyo taageerada ay u hayaan haddii aan Kaxda degmo loo aqoonsan.

Degmada Kaxda ayaa waxaa degmo u aqoonsaday madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed, balse markii uu Muungaab xulka qabtay wuxuu caddeeyay in degmooyinka gobalka Banaadir ay yihiin 16-degmo isla markaana wax Kaxda la dhaho aaney jirin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com