Madaxweynaha maamulka 3-da gobal oo Muqdisho yimid iyo R/W Cabdi Weli iyo Nicholas Kay oo uu sheegay….

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray madaxweynaha maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed, Maxamed Cabdinuur Madeer.

Wasiiro, xildhibaanno iyo dadweyne ay isku beel yihiin Madeer ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.

Markii la soo dhaweeyay, kaddib ayuu saxaafadda uga warbixiyay safarka uu ku yimid Muqdisho.

Wuxuu sheegay in uu casuumaad rasmi ah uu ka helay ra’iisal wasaaraha xukuumadda, Cabdiwelu Sheekh Axmed iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somali Nick Key.

Wuxuu sheegay oo kale in la kulanka ra’iisal wasaaraha iyo Mr. Key ay fursad u tahay maamulkiisa oo ay xoojineyso awoodiisa.

Waxaa horrey magaalada Muqdisho u joogay wafdi kale oo uu hoggaaminaayo Madoobe Nuunow Maxamed oo ah hoggaamiyaha maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed, kaasoo isna ka dhisan magaalada Baydhabo.

Beydhabo waxaa ka dhisan labo maamul oo iska soo horjeeda, mana cadda wax yaabaha uu salka ku hayo imaashiyaha Muqdisho hoggaamiyaasha labadaas maamul.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com