Buubaa oo shaaciyey waxa ay beesha caalamka ay ka aamisan tahay DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa, ayaa ka hadlay sida Dowladaha caalamka ay ula dhaqmaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dalka Soomaaliya uu ka baxay KMG oo ay iminka ka jirto Dowlad aan KMG aheyn.

Ismaaciil Hure Buubaa, ayaa sheegay in caalamka Soomaaliya uu ula dhaqmo sidii in weli ay ku jirto KMG, balse caalamka weli si wanaagsan uusan udareemin in dalka Soomaaliya ay ka baxday KMG oo ay ka jirto Dowlad ku dhisan Dastuur KMG ah, waxaana uu intaasi hadalkiisa ku daray in madaxda Dowladda si miisaan leh aysan udareensiin caalamka in KMG laga baxay.

Ismaaciil Hure Buubaa oo horay usoo noqday Wasiirka arimaha Dibada Soomaaliya wuxuu tilmaamay in Dowladda Soomaaliya looga fadhiyo inay culeys saarto caalamka oo ku aadan in dalka uu ka baxay KMG, shaqadaasina laga rabo Madaxweynaha dalka.

Wuxuu kaloo sheegay Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa sababta uu caalamka ula dhaqmayo in Soomaaliya ay weli KMG ay ku jirto ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa kala qeybsan oo aan ka fekerin aayahooda.

Dhibaatada haysata Soomaalida ayaa wuxuu ku tilmaamay inay tahay qabiil oo ay kala qeybsan yihiin Soomaalida dhan hadii qabiilka aysan ka tanaasulina ay dhici doonto dhibaato weyn oo uu sheegay in Soomaaliya ay kusoo socoto.

Dowladda hada ka jirta Soomaaliya ayaa ku tiirsan kaalmada kala duwan ee ka timaada Beesha caalamka, mana muuqata in Soomaaliya sanadahaan dhaw ay ka maarmi doonto kaalmada Beesha caalamka, xilli Soomaaliya ay leedahay dhul weyn oo wax soo saar leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com