Xog ku saabsan socdaalka CABDI Weli ee Puntland iyo Xasan Sh oo shalaayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh ayaa la sheegayaa inuu 24-ka bishan u safri doona Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo uu kasii horeeyo Wasiirka qorsheynta Saciid Cabdullahi ayaa la sheegayaa in ujeedada safarkiisa ay qeyb weyn ka tahay Caleema saarka ama Caana shubka Boqorka Daarood oo lagu muransan yahay jiritaankiisa. Beesha Majeerteen ayaa dooneysa iney dib usoo celiso hogaaminta Boqortooyada Daarood oo ay sheegto iney iyadu hore u lahaan jirtay.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo la sheegay inuu horey u ahaa Gudoomiye ku xigeenka Beesha Daarood ee Geeska Afrika ayaa la sheegayaa inuu dhowaanahaan ahaa mid u muuqanayey qancinta beelaha kale ee Daarood inkastoo Beesha Sade oo uu isagu kasoo jeedo uu ku sameeyay dhabar jab xoogan isaga oo dagaalo lagu hoobtay ka abuuray Magaalada Beled Xaawo, sidoo kalana qeybihii isku hayey Kismaayo u kala hiiliyey isaga oo hal Koox shir uu ku sheegay dib u heshiisiin uga furay Magaalada Kismaayo.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo maalmahaan saxaafadda aad uga soo muuqanayey isaga oo ka qeyb galaya shirar hay,ado Caalami ah, sidoo kale booqanayey Garoomada Ciyaaraha, Xeebta Liido, Xarumaha Dawlada iyo qaar kamid ah Gobolada dalka ayaa la sheegayaa in kasoo muuqashadiisa saxaafada aysan soo kordhin haba yaraatee wax horumar ah.

Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli ayay muuqaneysaa inuu yahay mid kamid ah Ra’iisul wasaarayaashii ugu liitay ee soo mara dalka Soomaaliya waxqabad ahaan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegayaa inuu shalaay ka joogo riditaankii xukuumadii Saacid, sidoo kalana waxaa la sheegayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu shalay ka joogo inuu Goonjeex ka doortay Cabdiweli.

Cabdi Weli ayaa u muuqda iminka nin si degdeg ah usoo celin doona khilaafyadii ay caanka ku ahaayeen madaxda Dawladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com