Xildhibaan ka tirsan DF SOMALIYA oo lagu xiray Kenya oo ka hadlay xarigiisa

Nairobi (Caasimada Online)-Wararkeennii shaley waxaan ku sheegnay in ciidamada ammaanka Kenya ay xireen wasiirka xanaannada xoolaha, dhirta iyo daakha ee xukuumadda Soomaaliya, Saalim Caliyow Ibrow iyo xildhibaan Caadil Sheegow Sagaar oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka.

Haddaba waxaa mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho la hadlay xildhibaan Caadil Sheegow, wuxuuna beeniyay in la xiray balse wuxuu caddeeyay in carruurtiisa la xiray kaddib markii ciidamo boolis ah ay gurriga ugu yimaadeen.

Wuxuu kaloo sheegay in markii dambe la soo daayay carruurtiisa markii booliska la tusiyay sharciga ay heesteen.

Xildhibaanka ayaa caddeeyay in gurriga uu ka deggan yahay Nairobi laga qabqabtay dad u fara badan oo Soomaali ah.

Mar la weydiiyay xaaladda uu ku soo arkay markii uu carruurtiisa xabsiga kala soo baxayay, wuxuu sheegay in uu soo arkay dad uu fara badan oo ay ku jiraan carruur kuwaasoo maalo badan ku xiran xabsiga.

“Anniga maxaan u qaban karaa, haddii aan carruurteeda soo watay, safaaradda Soomaalida ee Kenya ayaa wax u qaban weysay annigoo xildhibaan uun ah intee ayaan joogaa” ayuu yiri.

Xildhibaan Caadil ayaa la weydiiyay in xaqiijin karo in la xiray wasiirka xanaanada xoolaha ee xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in uusan ka hadli karin arrintaas oo uu ka gaabsanaayo.

Ilaa hadda ma jirto cid ka hadashay wararka ku saabsan in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya lagu xiray dalka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com