“Madaxweynihii bajaajleyda u goodiyay Galmudug-na daawada u qoray muu u jawaabo dowladda Kenya”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa kahadlay go’aanada dowladda Kenya maalmahaan ugu dambeeyay ka qaadaneysay Soomaaliya.

Fiqi ayaa shaaciyay in dowladda Kenya ay todobaadyadii ugu dambeeyay qaadatay Talaabooyin saameyn ku leh Shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ilaa iyo hadda aysan wax jawaab ah ka bixin go’aamada ay qaadatay dowladda Kenya, waxaana uu sheegay in looga baahan yahay madaxda inay jawaab ka bixiyaan.

Aqriso Qoraalka Xildhibaan Fiqi:-

Dawladda Kenya tallaabooyin iyo go’aanno is-xigxiga ayey qaaday maalmihii u danbeeyey oo saamaynaya dadka iyo dalka Soomaaliya.

Waxaa la sheegayaa xildhibaanno, wasiirro iyo saraakiil sare oo dawladda Soomaaliya ka mid ah oo loo diiday visahii Kenya ay ku geli lahaayeen oo qaarkood markii baasabooradii Soomaaliga ahaa loogu diiday visaha la soo baxey baasabooro dalal kale oo sidaas saaxiibadood oo la heysto uga tagay.

Wax jawaab ah illaa iyo hadda lagama hayo xukuumaddii iyo madaxweynaheenii bajaajlayda banaan baxaysay ugu goodinayey inuu gacan bir ah ku qaban doono, ama GALMUDUG daawada u qorayey. Maanta ayaa gacan bir ah ama daawaynba ay u baahan tahay dhaqdhaqaaqyadq Kenya ka soo cusboonaaday!

Kenya tallaabooyinka dheeriga ah ee ay qaaday waxey rabtaba ha ula jeedee waa kuwo xaaladda labada dal uga sii daraya, waa ayna ku qaldan tahay, waxayna u muuqaal eg-yihiin in ay ka quusteen kiiskii maxkamadda yaalay ayna fureen wado kale oo culeys saarid ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com