Sawirro: Wafdi Somaliland ka socday oo kulamo ku yeeshay magaalada Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) ― Wafdi balaadhan oo ka socday Somaliland ayaa gaaray magaalada Nairobi ee Kenya, kuwaasi oo halkasi ku yeeshay kulamo kala duwan.

Wafdigan ayaa waxay ka koobnayeen labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid oo ay kala hogaaminayeen Wasiir Maxamed Kaahin iyo Eng Faysal Cali Waraabe.

Wafdigan ayaa waxay kulamo la yeeshen safiirada dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ee ku sugan magaalada Nairobi.

Mas’uuliyiinta wafdiga reer Somaliland ayaa waxay warbixino ku aadan doorashooyinka siiyen safiirada dalalka Denmark, Sweden, Germany, UK iyo kuwo kale oo saaxiib la ah Somaliland.

Waxa kale oo ay safiiradaasi u sheegen sida Somaliland ay uga go’antahay inay sii wado horumarinta, maamulida iyo diyaarinta doorashooyin ku dhaca waqtigii loo cayimay.

Dhinaca kale, Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya, Amb Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa waxa uu sheegay in Somaliland shacabkeedu ay markale u qalmaan in la qabto doorasho si wanaagsan u dhacda, taasi oo gacan ka geysan karta degenaashaha iyo horumarka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com