Hal sabab darteed, ha sugin in Villa Somalia ay dagaal siyaasadeed la gasho Kenya

Dadka raba in ay Villa Somalia si adag uga dagaalanto daandaansiga Kenya waa in ay ogaadaan in taasi aysan dhici karin, waa haddii uusan is bedel dhanka aragtida ah dhicin. Sabab.

Villa Somalia qorshaheeda ayaa ah in ay raalli geliso dowladaha deriska gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya si ay u gaarto ujeeddooyin sidaasadeed oo dalka gudihiisa ah! Soo xusuuso Qalbi Dhagax oo muwaaddin ahaa in Itoobiya loo gacan geliyay si loo raali geliyo maamulka Itoobiya.

Sida aan hadda ka hor qoraal dheer oo caddeymo CIA wata aan ku soo bandhigay, qorshaha Villa Somalia waa in ay raalli geliso Kenya iyo Itoobiya wax walba oo ay ku qaadato si ay uga adkaato mucaaradkeeda gudaha ah.

Raalli gelintii Itoobiya waa guuleysatay, oo soo xusuuso garabka ay Villa Somalia ka heshay Itoobiya si loo maquuniyo maamulka Koonfur Galbeed iyo af duubkii Mukhtaar Roobow.

Siyaasad ahaan, iyo dhaqaale ahaanba jug weyn oo ay Kenya Soomaaliya qaran ahaan u geysan karto oo aanan u geysan karin waqtiga fog ma jirto. Kenya saameyn dhaqaale oo ka weyn midda Imaaraatka nagu ma laha, sidoo kale diblomaasiyan kuma dhamma xoog UN-ka Nicholas Haysom ee PNG-da lagu garaacay laakiin waxaa jirta jug ay gaarsiin karto qorshaha maquuninta gudaha ah ee ay Villa Somalia uga baahan tahay.

Villa Somalia waxay baahi weyn u qabtaa Kenya si ay uga taageerto maquuninta Axmed Madoobe, si ay taasi u hesho Kenya waxay doonnaysaa in arrinta badda iyo arrimo kale laga furdaamiyo.

Qofkii shalay muwaaddin ku bedeshay raali ahaanshaha Itoobiya, wax weyn ugu ma fadhido ku raalli gelijlnta Kenya qeyb ka mid ah badda, laakiin indhaha Soomaalida ayaa soo wada taagan, oo waa og yihiin in Soomaalida ay nafta muwaaddinka iyo xuquuqdiisa ay kaga dhiidhin og yihiin dhul iyo biyo.

Yoolka laga leeyahay qorshaha maquunninta waa u gogol xaaridda waddo sahlaysa in kala guurka 2020/2021 hal xafiis go’aan uu ka gaaro, kaddibna xafiiskaas iyo shaqaalihiisaba ay sii joogaan!

Si ay shacabka Soomaaliyeed ula saftaan hoggaankooda, waa in marka xasaradaha noocaan ah ay jiraan la ilaabo ajande gaar ah, inta talada la ballaariyo ay waddaniyad hoggaan noqoto. Uma jeedno!

W/Q: Hassan Adam Hosow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid