Dahabshiil, safarka Biixi ee Nairobi iyo Uhuru oo tagaya Hargeysa (Qorshaha Kenya)

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa la filayaa inay sii xoojiso dagaalka siyaasadeed ee ay ku hayso dowladda Soomaaliya, ayada oo aad usoo dhoweysanaysa Somaliland, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Qorshahan oo qeybo badan ayaa waxaa ugu horreyn doona, in dalka Kenya laga mamnuuco dhammaan xawaaladaha Soomaalida, marka laga reebo xawaaladda Dahabshiil oo laga leeyahay Somaliland.

Xawaaladda Dahabshiil, ayaa ilo-wareedyo Kenyan ay sheegeen inay tahay wax ay xukuumadda Nairobi ugu yeertay “mid aan cadow ahayn.”

Xawaaladaha kale ee Soomaalida, oo qaar badan oo ka mid ah maanta baaritaan lagu sameeyey islamarkaana si kooban loo xiray, ayaa laga leeyahya Koonfurta, waxaana xiristooda ay qeyb ka tahay cadaadiska Kenya ay saareyso dowladda iyo shacabka Soomaalida.

Waxaa taas xigi doono in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dhowaan booqasho rasmi ah ku tagi doono magaalada Nairobi, isaga oo casuumad ka helay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in Uhuru Kenyatta uu qorsheynayo inuu booqado magaalada Hargeysa, ka hor dhammaadka sanadkan.

Tallaabooyinkan oo idil ayaa waxaa kasii horeeyey in bishii tagtay Kenya ay sheegtay inay safaarad ama xafiis diblomaasiyadeed oo aan hoos iman keeda Muqdisho ka furaneyso Nairobi.

Cadaadiska dowladda Kenya ay saareyso Soomaaliya ayaa ujeedkiisu yahay in Soomaaliya lagu qasbo inay ka laabato dacwadda maxkamadda ICJ taalla ee badda Soomaaliya, islamarkaana wada-hadal ka gasho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com