Xog: DF oo xiisadda Kenya kala xiriirtay, Mareykanka, UK iyo EU (Maxaa lagu yiri?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya  ayaa raadineysa daraf saddexaad soo faro-geliya khilaafka kala dhaxeeya Kenya, xilli xukuumadda Nairobi ay sare u qaaday cadaadiska ay ku hayso Soomaaliya, oo ay ugu dambeysay mas’uuliyiin Visa loo diiday iyo xawaalado la galay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay xiriir la sameysay daalka Mareykanka, UK iyo qaar ka mid ah dalalka kale ee Yurub, kana codsatay inay gacan ka gaystaan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda labada dhinac.

Dalalkan ayaa la sheegay inay aad uga walaacasan yihiin, islamarkaana aysan dooneyn inay ku lug yeeshaan muranka labada dhinac, sababo la xiriira xaladda oo aad u adag, ayna rumeysan yihiin inaysan jirin qaab labada dhinac la isugu soo dhoweyn karo.

Sababta ugu weyn ayaa ah, Kenya oo dooneysa in kiiska badda ee maxkamadda caalamiga ah laga laabto, iyo Soomaaliya oo aan ogoleyn inay arrintaas wax wada-hadal ah ka gasho.

Sababta dowladda Soomaaliya u raadisay dhex-dhexaadinta ayaa lagu macneeyey inaysan jirin jawaab macquul ah oo u muuqata inay arrintan ka bixin karto, iyo ayada oo ka cabsi qabta in go’aan kasta oo ay qaadato ay xiisadd kasii darto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com