Madaxweynihii DALKA HAITI oo gurigiisa lagu dhex dilay

Port-au-Prince (Caasimada Online) – Madaxweynihii dalka Haiti Jovonel Moïse ayaa lagu dhex-dilay guri khaas ah oo uu degan yahay, abaare 1:00 am ee maanta xilliga Haiti, sida uu shaaca ka qaaday ra’iisul wasaaraha ku-meel gaarka ah ee dalkaas Claude Joseph.

Haiti waa dal ku yaalla Caribbean-ka, wuxuuna xuduud la leeyahay dalka Dominican Republic, halka dhanka baddana uu ugu dhow yahay dalalka Cuba iyo Jamaica.

Sida uu sheegay ra’iisul waaare Claude Joseph oo war-saxaafadeed soo saaray, waxaa dilka fuliyey koox hubeysan oo aan la aqoonsan, balse sida uu sheegay ku hadlayey luuqadda Spanish-ka. Haiti waxaa looga hadlaa luuqadda Faransiiska.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaawacay marwada koowaad, Martine Moïse, waxayna hadda taallaa isbitaal, sida bayaanka lagu sheegay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dilka ku qeexay “ficil arxan-darro ah, naceyb ku dheehan, islamarkaana ka baxsan bani’aadannimada.”

“Waxaan qaadnay dhammaan tallaabooyinka loo baahan yahay si aan u xaqjiino sii jiritaanka iyo ilaalinta qaranka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Joseph. 

Kadib warka ku saabsan dilka, ayaa waxaa rasaas dhaceysa laga maqlayey qeybo badan oo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince, oo bilihii dhowaa ay ka jireen rabshado xooggan ayaga oo ay ku dagaalamayeen booliska iyo burcad hubeysan. 

Rabshadahan ayaa ka dhashay saboolnimo sii kordheysa iyo xaisllooni-darro siyaasadeed oo dalka ka jira.

Madaxweyne Moïse ayaa lagu banaan-baxayey tan iyo markii uu talada dalka la wareegay 2017-kii oo madaxweyne loo doortay, ayada oo mucaaradka ay sanadkan ku eedeeyeen inuu isku dayayo inuu dalka u rogo nidaam kali-talis ah.