Sawirro: Sidee Rooble loogu soo dhaweeyay Kismaayo?

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Rooble iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyeen magaalada Kismaayo Madaxweynaha Jubbalanad, Axmed Maxamed Islaan, Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu joogo caasimada Jubbaland waxa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland oo uu kala hadli doono arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabad-gelyada iyo horumarinta, isagoo u kuurgali doona xaaladda guud ahaan Jubaland.

Sidoo kale inta uu joogo Ra’iisul wasaaruhu sida uu qorshuhu yahay waxa uu dhagax dhigi doonaa mashaariic horumarineed oo dowladdu ka higelineyso gudaha maamulka Jubbaland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wafdi hordhac u ah ra’iisul wasaaraha ayaa shalay gaaray magaaladaasi, kuwaasi oo haatan ku sugan degmada Kismaayo, waxaana soo dhamaatay qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta waftiga ra’iisul wasaaraha.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee ku yaala magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Waa safarkiisii ugu horreeyey ee Rooble uu ku tegayo magaalada Kismaayo, tan iyo markii uu la wareegay xafiiska, waxaana uu horey u booqday xarumaha kale ee maamul goboleedyada; Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle.