Madaxweynihii hore ee France oo lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa maanta lagu helay dambi musuq-maasuq, waxaana lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah.

Sarkozy ayaa maxkamad ku taalla Paris waxay ku heshay inuu isku dayey inuu si sharci-darro ah saameyn ugu yeesho garsoore maxkamadeed, intii uu madaxweynaha ahaa.

Muddada xabsiga ayaa waxaa ku jira laba sano oo la hakiyey, oo macnaheedu yahay inay u badan tahay in Sarkozy uusan geli doonin xabsi.

Waxaa hubanti ah in Sarkozy uu racfaan ka qaadan doono xukunka, islamarkaana uu xor sii ahaan doono, ayada oo aysan jirin amar soo xiritaan ah oo loo soo saaray.

Xukunkan ayaa ah jahwareerkii ugu dambeeyey ee xirfadda siyaasadeed ee qasan ee 66 jirkan, oo soo xukumay France intii u dhaxeysay 2007 illaa 2012, welina ah mid ay jecel yihiin taageerayaasha siyaasadda midigta.

Dambi ku helistan ayaa waxyeelo weyn ku ah soo laabasho kasta oo siyaasadeed oo laga yaabo in Sarkozy uu sameyn lahaa, inkasta oo uu beeniyey inuu damac kale ka leeyahay siyaasadda.

Kahor Sarkozy, kaliya hal madaxweyne oo kale, oo ahaa macallinkii siyaasadda ee Sarkozy, madaxweyne Jacques Chirac ayaa la maxkamadeeyey markii uu xafiiska ka tegay, hase yeeshee waa looga cudur daaray inuu maxkamaddiisa musuq-maasuqa ka qeyb galo 2011-kii sabatoo ah wuu xanuunsanaa.

Sarkozy ayaa lagu eedeeyey inuu u yaboohay garsoore inuu ka caawinayo inuu shaqo sare ka helo Monaco, taa beddelkeedna uu ka caawiyo in la joojiyo baaritaan lagu helay ololihiisa doorashada.

Madaxweynihii hore ayaa maxkamadda u sheegay “inuusan marnaba gaysan ficil musuq-maasuq ah, haba yaraatee.”

AFP