XAAF oo baaq deg-deg ah soo saaray maanta, kadib…

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweunihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa si adag uga hadlay dagaal beeledyada markale dib uga soo cusboonaaday waqooyiga gobolka Galgaduud.

Xaaf oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ku baaqay in deg-deg lagu joojiyo dagaal beeleedyada haatan ka socda deegaanada Xananbuure iyo Qalanqalle.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday odayaasha dhaqanka iyo madaxda Galmudug inay ku baxaan xiisadahaasi, si looga hortago in dagaalladu ay sii socdaan.

Warka ka soo baxay Xaaf ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalladaasi ay ku dhinteen dad muhiim ahaa oo lagu dilay si macno darro ah.

“Waxaan ku baaqayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan xal looga gaaro dagaallada ka soo cusboonaaday Xananbuure iyo Qalanqale ee Gobolka Galgaduud, Madaxda sare ee Galmudug iyo Odayaasha dhaqan waxgaradka intaba waxaa ugu baaqayaa in ay meel uga soo wada jeestaan sidii uusan u daadan laheyn dhiig dambe. Waxaa nooga baxay dad muhiim ah waxa ay u dhimanayaa waa micno daro wax laga aamusi karana ma ahan waa in talaabo degdeg ah la qaado oo arinta la xaliyo.” ayuu qoraalka ku yiri Xaaf.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo saaka dagaal kale uu dib uga qarxay deegaanka Qalanqalle, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi.