Wararkii ugu dambeeyey dagaal ka qarxay Galgaduud

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka dagaal beeleed uu dib uga qarxay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa wuxuu ka socdaa deegaanka Qalanqalle oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Maleeshiyaadka labada dhinac ee diriraya ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu daba socdo midkii shalay ka dhacay deegaanka Xananbuure, kaas oo ay ku dhinteen illaa 10 ruux.

Qaar ka mid ah dadka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalka, balse aan la shaacin karin inta uu la’egyahay.

Dhanka kale madaxweynaha Galmudug oo si adag uga hadlay dagaalkaasi ayaa ciidamada dowladda ku amray inay kala dhexgalaan labada beelood, si loo joojiyo dagaalka.

Galgaduud oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ku soo laa-laabta dagaallo sokeeye oo u dhexeeya maleeshiyaad beeleed ku wada sugan gobolkaasi