Madaxweynihii hore ee Puntland oo geeriyooday

Muqdisho ( Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Marxuumka oo maalmahan xanuunsanaa ayaa xalay ku dhintay isbitaal gaar ah oo ku yaalla Nairobi, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ka mid ah aas-aasayaashii Puntland oo ah maamul goboleedkii ugu horreeyey ee dalka ka aas-aasmay.

Sidoo kale wuxuu soo noqday madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyey ee maamulkaasi sanadihii 1998 illaa 2004-tii.

Waxa kale oo uu soo noqday madaxweynihii 2-aad ee Puntland, isaga oo si KMG ah xilka u hayey muddo kooban oo ku siman illaa lix bilood.

Dhanka kale madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo war ka soo saaray geerida marxuumka ayaa tacsi u diray ehelladiisa iyo dhammaan Puntland.

Sidoo kale wuxuu marxuumka alle uga baryey inuu ka wraaabiyo Jannadiisa Firdowso.

Halkan hoose ka aqriso:

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii kasoo shaqeeyay dhismaha Dowladda Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu uga tacsiyaynayaa geerida marxuumka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa.

-DHAMMAAD-