Madaxweynihii hore ee Somalia oo si kulal uga hadlay xaalka Somalida Islii

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan, ayaa wuxuu ka hadlay dhibaatooyinka Soomaalida loogu geysanayo gudaha dalka Kenya, xilli Soomaali badan qaab Maxbuus ahaan ah loogu haayo Garoonka Kubbada Cagta ee Kasarani Stadium.

C/qaasim Salaad Xasan oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in wax aad looga xumaado ay tahay in dad Soomaaliyeed oo qaarkood Qaxooti ah in dalkaasi dhibaato loogu geysto.

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay inuu ka xun yahay Qaraxyadii ka dhacay Xaafada Islii oo dartood Soomaalida loo dhibaateynayo, isaga oo sheegay in Qaraxyada dadkii ka dambeeyay kaliya in lasoo qabto ay wanaagsan tahay, balse dadka oo dhan aan loowada dhibaateen.

Mudane C/qaasim Salaad Xasan, ayaa sheegay in xeerarka caalamiga ah iyo midka guud ee caalamka aysan ku jirin in dad qaxooti ah sidaan loo dhibaateeyo oo la qab-qabto.

Dhibaatooyinka dhanka ammaanka ah ee laga geysto Magaalada Nairobi, ayuu xusay inaysan ka dambeyn kaliya dad Soomaali ah, oo ay jiri karaan Kooxo kale oo ushaqeeya sida uu yiri Argagixisada oo doonaya inay falal lidi ku ah dhanka ammaanka ay ka geystaan dalkaasi.

Dowladda Kenya oo muddo todobaad ah waday howlgal lagu soo qab-qabtay Soomaali badan ayaa shaaca ka qaaday in Soomaalida dalkeeda ay dib ugu celinayso oo ay masaafurinayso.

Saaka oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa in Garoonka Muqdisho laga soo dejiyo Soomaali gaaraysa ilaa 82-ruux kuwaasi oo Kenya ay ku sheegtay inay si sharcidaro ah ku joogeen dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com