Farmaajo oo u digay dowladda Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Mohamed Abdulaahi Farmaajo, ayaa kamid noqday masuuliyiinta ka hadlaysa dhibaatooyinka Soomaalida loogu geysanayo dalka Kenya, xilli Soomaali badan weli ay ku jiraan gacanta ciidamada ammaanka dalkaasi.

Wareysi uu siiyay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu ku sheegay Farmaajo in wax laga xumaado ay tahay in Dowladda Kenya ay sidaasi ula dhaqanto dadka Soomaalida ah ee Qaxootiga ujooga dalka Kenya.

Mr Farmaajo ayaa waxaa uu xusay waxa ay sameynayaan ciidamada ammaanka Dowladda Kenya ay tahay wax laga xumaado oo keeni kara Cawaaqib aysan mahdin Dowladda Kenya.

“Kenya, waxa ay ficilladeeda kala kulmi kartaa dhibaatooyin hor leh” ayuu Farmaajo ugu digay Kenya.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in hadii ciidamada Kenya ay siiwadaan dhibaatooyinka ay ugeysanayaan dadka Soomaaliyeed ay suuragal tahay in Kooxaha dhibaatooyinka ka geysanaya Kenya ay helaan taageero ballaaran oo ay ka helaan dadka la dhibaateynayo.

Mohamed C/laahi Farmaajo ayaa isweydiiyay sababta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga aamustay dhibaatooyinka Soomaalida Kenya loogu geysanayo, xilli Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya uu ku tilmaamay dhibaatooyinka Soomaalida Kenya loogu geysanayo wax la buun-buuniyay oo aysan aheyn sida loo dhigayo.

Dowladda Kenya ayaa saaka oo Arbaco ah dib usoo celinaysa Qaxooti Soomaaliyeed oo gaaraya 82-ruux kuwaasi oo hada ku sugan afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha Jomma Kenyatta ee dalkaasi.

Kenya ayaa dad badan oo Siyaasiyiin ah waxa ay ku tilmaameen inay lamid noqon rabto South Afrika oo kale oo Soomaalida ganacsiga dalkaasi ujooga tacadi badan halkaasi loogu geystay.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com