Xubno sare oo lagu dilay Qaraxyo ka kala dhacay Muqdisho iyo Kismaayo

Muqdisho(Caasimada Online)–  Qarax nooca meelaha fog fog laga hago ah ayaa waxaa lala eegtay xoghayihii maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaasi oo sababay inuu u geeriyoodo.

Qaraxa ayaa ka dhacay xerada Badbaado oo ku taala degmada Wadajir, taasi oo la sameeyay sanadkii 2011 markii dad badan oo barakacayaal ah ay soo gaareen magaalada Muqdisho.

Maxamed Aba-Xaaji oo ahaa xoghayaha maamulka degmada Wadajir ayaa sidoo kale ahaa horjoogaha xerada Rajo oo ku taala isla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir,  ayaa ku naf waayey.

Geerida Aba-Xaaji ayaa waxaa xaqiijiyay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C.Baasid Maxamed Ibraahim, isagoo tacsi u diray qoyska xoghayihii maamulka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale dhaawacyo ay kasoo gaareen qaar kamid ah ilaaladii xoghayaha, waxaana kadib goobta gaaray ciidamada dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa waxaa lala eegtay gaadiid ay saarnaayeen ciidamada AMISOM gaar ahaan ciidamada Burundi oo dhawaan Kismaayo Gaaray.

Lama Oga khasaaraha dhanka AMISOM soo gaaray, laakiin ku dhawaad 5 ruux ayaa ku dhaawacantay kadib markii ciidamada maamulka Jubba ay rasaas ku fureen dad goobta ku sugnaa.

Qaraxa ayaa ciidamada AMISOM waxaa lagula eegtay xaafada Via Afmadow ee magaalada Kismaayo, laakiin saraakiisha amaanka ee Jubba ayaa sheegay inay qabteen shan ruux oo la tuhunsan yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com