Ciidamo cusub oo gaaray MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo Nabad-ilalain ah oo ka socda dalka Sierra Leone ayaa bishan 2-dii soo gaaray gudaha dalka Somalia, si ay ugu biiraan Hawlgalladda Nabad-ilaalinta ee AMISOM.
Hadal ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in Koox Ciiddamo hordhac ah oo ka socday dalka Sierra Leone ayaa soo gaaray gudaha dalka Somalia, waxaana lagu wadaa inay Ciiddamadaasi ku biiraan Ciiddamadda Kenya ee hawlgalladda ka wada Goballadda Jubbooyinka iyo Gedo.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Guuto cusub oo ka tirsan Ciiddamadda Sierra Leone ayaa dhawaan soo gaari doona Goballadda Koonfurta Somalia, halkaasi oo Ciiddamadda Kenya loo daad-gureeyey.
AMISOM waxay kaloo tilmaamtay in ciiddamadda Sierra Leone buuxin doonaan kaalinta ay banneeyn doonaan Guuto ka tirsan Ciiddamadda Kenya oo laga bedelayo Gobalka ay haatan ka hawlgalaan.
Ergayga Gaarka ee Hawlgalka AMISOM, Mohamed Salah Anadiif ayaa soo dhaweeyey Ciiddamadda dalka Sierra leone ee lagu soo biirinayo Hawlgalka AMISOM, wuxuuna xusay imaanshaha Ciiddamaddaasi gacan ka geysan doonaan soo-celinta Nabadda ee Somalia.
Dalka Sierra Leone waa dalka 5-aad ee Afrikaanka ee ay Ciiddamo kaga jiraan Hawlgalka AMISOM.
Sidoo kale, Dalalka Uganda, Djibouti, Buriundi iyo Kenya ayey Ciiddamo fara badan ka joogaan dalka Somalia.
Xigasho: Awareness Times Newspaper