DHAGEYSO: DF Soomaaliya oo diiday in lagu bannaanbaxo dowladda Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) Banaanbax nabadeed oo ay soo qaban qabiyeen Shacabka gobolka Banaadir islamarkaana looga soo horjeeday tacadiyada ciidamada Kenya ku bartilmaameedsanayaan Shacbka Soomaaliyeed ee kusugan dalkaasi ayaa waxa uu qorshuhu ahaa inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa oo ay ka qeyb qaadaneyeen Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa iyagoo socod ku jira waxa is hor taagay oo hakad galiyey sii socoshada banaanbaxa ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, oo diidan in Kenya lagu mudaaharaado.

Waxaan wararka qaarkood ay shegayaan in dadka qaar ee banaabaxa wax ka waday ay ciidamadu xireen.
Mid kamid ah dadkii ka qeyb qaadaneyey Dibad baxa ka dhanka ahaa dhibaatada Kenya ay ku heyso shacabka Soomaliyeed ee ku sugan waddankeeda uu warbaahinta usheegay in ciidamada Booliiska ay ku amreen inay kala dareeraan sidaana uu banaanbixii ku istaagay.

Halkan ka dhageyso

110318_001

Booliiska ayaa sheegay in xukuumadda ay amar ku siisay inaysan ogolaan banaanbaxyo ka dhan ah Dowladda Kenya.

Ciidamada dowlada Kenya ayaaa mudooyinkii u dambeeyey waxza raaf iyo jir dil isugu dareen shacbka Soomaliyeed ee waddankeeda nabad gelyada udoontay, waxaana shacbaka Soomaliyeed ee dalkaasi ku sugan ay noqdeen bartilmaameedka koowaad, ee ciidmada Kenya iyaga oo ula dhaqma si arxan daro ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com