Mudanayaashii Barlamanka Uganda ee tagay Muqdisho oo uu ruxay Laaluush

Kampala (Caasimada Online) – Booliska dalka Uganda ayaa xuddun u ah Lacago la is-daba mariyey iyo Laaluush la sheegay inuu saamayn ku yeshay Safarkii ay Mudanayaal ka tirsan Barlamaanka dalkaasi bishii hore ku yimaadeen magaalladda Muqdisho.

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska The Observer ee ka soo baxa magaalladda Kampala, waxaa lagu sheegay inay qaar ka tirsan Xildhibaanadda ku eedeeyeen Boliska inay bixiyeen Kharajka Safarkaasi, taasi oo ay xuseen inay muujinayso inuu heshiis hoose dhex maray Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Guddiga Arrimaha Gudaha ee Barlamaanka oo kaalin weyn ku leh doorka Ciiddamadda Uganda.

Wasiir hoosaasdka Arrimaha Gudaha ee Uganda, Mohamed Muwanga Kivumbi ayaa Barlamaanka u sheegay inay Boliska bixiyeen kharajka safarka Xildhibaanadda booqashadda ku tegay Somalia.

Mohamed Muwanga waxa kaloo uu sheegay in Xildhibaan kasta kaash ahaan loo siiyey lacag dhan 2,500-Dollar, oo ay ka baxsan tahay Tikidhka Diyaaradaha oo ay Boliska iibiyeen.

Bralamaanka Uganda ayaa weli wada baaritaanka Eedeymaha ka dhashay Safarkii ay Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Uganda dhawaan ku yimaadeen magaalladda Muqdisho.

Benny Namugwanya Bugembe oo ka mid ah Xildhibaanadda safarka ku yimid magaalladda Muqdisho ayaa sheegtay inay dhowr jeer kormeer ahaan ugu tegeen Ciiddanka Uganda (UPDF) ee ka hawlgala Somalia, iyadoo xustay inay Ciiddanka qabanqaabin jireen Safarkooda, oo aysan garanaynin sababaha Boliska loogu oggolaaday inay Safarkaasi maamulaan.

“Sababo dhinaca ammaanka, marnaba Hotel ma deign, waxaan joognay xarumaha AMISOM, Somalia waa goob khatar ah” ayey tiri Benny Namugwanya Bugembe

Xildhibaano tiradoodu dhamayd 7-Mudane, dhowr Saraakiil Bolis, Xoghaynta Guddiga iyo Saxafiyiin ka oscotay dalka ayaa dhawaan booqasho ku yimid magaalladda Muqdisho, iyagoo kulamo la yeeshay Madaxda Dowladda iyo kuwa Hawlgalka AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Kampala
Caasimada@live.com