R/W Cabdi Weli oo shaaciyey arrin ay adag tahay in la rumeysto (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed, ayaa ku dhowaaqay arrin ay adag tahay inlaga rumeysto, oo ah in Muqdisho laga sifeeyey waxyaabaha qarxa.

Cabdi Weli, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qaybgalay kulan lagu shaacinayey guul laga gaaray waxyaalaha qarxa oo laga sifeeyey magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyey saraakiil ka socotay Midowga Yurub, hay’adda Qaramada Midoobey ugu qaabilsan la dagaalanka miinada ee UNMAS iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

“Ma dooneyno in dadkayagu ay ku sii jiraan nolol cabsi iyo deganaansho la’aan ah. Carruurta Soomaaliyeed waa in ay helaan mustaqbal aanay ku jirin cabsi iyo argagax. Waxa ugu muhiimsan waa in carruurteennu helaan nolol wanaagsan. Sidaasi ayuu yiri Re’iisul Wasaare Cabdiwali.

“Maanta waxaa war lagu farxo ah in aan ku dhawaaqno in Muqdisho laga sifeeyey waxyaalaha qarxa.Masuuliyad ayaa naga saaran in aan dalka ka ciribtirno waxyaalaha qarxa ee khatarta ku ah nolosha muwaadiniinteenna. Waxaan u mahadnaqayaa dhinacyada naga taageeray fulinta hawshan muhiimka ah” sidaasi ayuu hadalkiisa raaciyey Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali waxa uu sheegay in hawlaha dalka lagaga sifaynayo waxyaalaha qarxa aanay ku koobnayn caasimadda ee waddanka oo dhan laga samaynayo si loo helo qaran aanay muwaadiniintiisu ka cabsi qabin in dhibaato ka soo gaadho waxyaalaha qarxa.

Si kastaba, waa arrin adag in la rumeysto in Muqdisho laga sifeeyey waxyaabaha qarxa, ayada oo aysan jirin caddeymo muujinaya in dowladda ay baartay meel walba iyo guri walba oo ku yaalla magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com