KENYATTA oo noqday madaxweynaha ugu caajiska badan adduunka (Daawo)

Nairobi (Caasimada Online) – Wareysi uu Uhuru Kenyatta siiyey Telefishinka Citizen ayaa waxa uu Caalamka u sheegay inuu hurdada ka soo tooso 6-da aroornimo, Xafiiskana uu tago 10-ka barqanimo.

Kooxda Madaxweynaha u dejisa Istaraatijiyadda Siyaasadda kuma faraxsana caajisnimadda Uhurru Kenyatta, waxaana loo arkaa inuusan hoggaamin Karin dal halgan ku jira.

Madaxweynihii isaga ka horreeyey ee Mwai Kibaki waxa uu hurdada ka soo toosi jirey shanta aroornimo, halka Madaxweynihii ka sii horreeyey ee Daniel Arab Moi hurdada ka toosi jirey shanta aroornimo.

Sidoo kale, Madaxweyne-ku-xigeenkiisa, William Ruto waxa uu hurdada ka toosaa shanta aroornimo.

Wareysiga Uhuru Kenyatta ku muujinayo xilliyadda uu hurdada ka tooso iyo xilliga uu Xafiiska tago ayaa waxa la soo dhigay Barta YouTube-ka, ee nala daawo