KENYA oo caddaawad abuuraneysa !!!

Nairobi (Caasimada Online) – Dadka deggan xaafadda Islii ee Nairobi, ayaa sheegay in Kenya iyo colaad iyo caddaawad ku abuuraneyso gacmaheeda, ayada oo ugaarsaneysa Soomaalida.

In badan oo ka mida dadka reer Eastleigh ayaa bilayska ku khilaafsan qaabka ay u wadaan hawlgalka waxayna sheegeen in aan laga gaari doonin ulajeeddooyinka ammaan ee laga leeyahay.

“Ururinta xogaha sirta ah ayaa ka wax-tar badan qab-qabasho aan loo meel-dayin oo uu bilaysku fuliyo taas oo waxa laga dheefo ay tahay in la cabsi-galiyo dadka aan waxba galabsan,” ayuu yiri Guddoomiyaha Madasha Muslimiinta ee Xuquuqda Aadanaha Alamin Kimathi. “Howlgalladu waxay miro colaadeed ka dhex beerayaan ciidamada ammaanka iyo Soomaalida Kenya ee halkan daggan mana aha qaabka ugu wanaagsan ee lagu kasban karo quluubta iyo maanka bulshada degaanka.”

Cali Cabdi, oo ah 26-jir arday ka ah Jaamacadda Nairobi, ayaa sheegay in uu ka baqayo qabqabashada ciidamada ammaanka.

“Waxa ay ka dhaqaaqayaan male khaldan oo ah in qof walba oo ka tirsan dhallinyarada Muslinka Kenya in uu yahay tuhmane argagixiso ama uu jaceeyl u hayo,” ayuu yiri Cali. “Waxan ku noolahay cabsi sababta oo ah daqiiqad kasta ayay dhici kartaa haysashada Kaarka Aqoonisgana maaha caddeeyn ku filan in qofku yahay Kenyan sababta oo ah bilaysku waxa uu sheegay in tiro badan oo ka mida ay yihiin been-abuur.

Geedi Cabdi, oo 24-jir ah, basna ku wada Eastleigh, ayaa sheegay in uu joojiyay in uu booqdo saaxiibadii xillyada dambe ee habeeynkii isaga oo ka baqaya in la qabto sababta oo ah wali lama siin kaarkiisii aqoonsiga ee loogu baddalay kii hore kadib markii uu ka lumay kii hore.

“Habeeynimadii Talaadada, ninkasta oo ah dhallinyaro Kenyan ah asal ahaanna ka soo jeeda Soomaali waxa loo arkayay tuhmane argagixiso,” ayuu yiri. “Qof walba oo ka baxay gurigiisa xittaa hadduu u socdo meesha ugu dhow isaga oo aan wadan dokumenti aqoonsi waa la qabtay waxana laga buuxiyay toban gaari oo bilays ah, saas oo ay tahayna ma jiro sharci oranaya qofku waa in uu mar walba sitaa Kaarkiisa Aqoonsi.”

Axmed Cli, oo ah 26-jir makaanig ka ah Eastleigh, ayaa sheegay in habeeynimadii Sabtida ay ugu yaraan siddeed askari oo bilays ah ay xoog ku soo galeen guri ay wada deggan yihiin walaalkii, Cumar Khalif, oo Mombasa u aaday in uu soo booqdo eedadiis.

“Ka sokoow in ay igu handadeen in ay garaacayaan oo ay igu xireen saldhig, haddan intaas waxay si qaylo ah iigu sheegayeen in aan aamuso oo meel fariisto,” ayuu sheegay. “Albaabka qolka jifka haraati ayay ku jabiyeen dabadeedna waxay isku daba rogeen qolkii Cumar iyaga oo sheegay in uu yahay argagixiso ku khasbanaaday in uu albaabka qufulo oo uu cararo markuu maqlay howlgalka.”

Cali waxa uu wacay bilayska si uu dacwad u geeyo oobiga Eastleigh oo uu ka dacwoodo in uu yahay muwaadin lagu dhibaateeyay howlgallada ammaan.

Maxamed Yusuf, oo ah 34-jir isaguna deggan Eastleigh, oo dukaan lagu gado moobiillada iyo qalabka lagu istimcaalo ku leh Waddada 8-aad, ayaa ka hadlay wixii ka soo maray howlgalka Axaddii.

“Koox askar bilays ah oo qalabaysan ayaa ku soo degay dukaankayga yar […] kadibna iyaga oo aan waxba ii sheegin ama ii sharxin wax ay raadinayaan, waxay bilaabeen in ay alaabada tuurtuuraan” ayuu  yiri.

“Waxaan taageerayaa hawlgal ammaan ku socda xogta sirdoonka oo lagu bar-tilmaameedsanayo dadka soo abaabula argagixisada, halkii aan ka taageeri lahaa midka hadda socda oo u muuqda in lagu bar-tilmaameedanayo yool mucayan ah,” ayuu yiri Yusuf. “Waxay si indha-la’aan ah u qabqabanayaan dadka, taas oo samaynaysa macne yar sababtoo ah waxay noqotay in ay sii daayaan inta badan iyaga oo maxkamad geeyay in kooban oo ay ku haystaan dambiyo yaryar, taasoo aan ahayn ulajeedkii koowaad ee lagu bilaabay tallaabooyinka ammaan.”

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com