Dhageyso: Dadkii ugu xog-ogaalsanaa wixii ka dhacay Islii oo xog-warramay

Dowladda Kenya waxay Arbacadii Magaalada Muqdisho ku soo celisay ilaa 82 ruux oo Soomaali ah, oo laga soo qab qabtay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi, markii ay hawlgal ka sameeyeen Ciidamada Kenya.

Dadkaan waxay noqonayaan kuwoodii ugu horeeyay oo ay Kenya ku soo celiso dalka, ka gadaal markii ay sheegtay in ay iska saareyso dadka aan Sharciyada ku lahayn dalkeeda.

Qaar ka mid ah dadkaan, ayaa waxay Warbaahinta u sheegeen in ay si xun ula dhaqmeen Ciidamada Kenya, waxay sidoo kale sheegeen in ay garaacis u geysteen,
raashiinkiina ay ka horjoogsadeen in loo keeno.

Jaaliyada Somaliyeed ee Xaafada Islii, ayaa waxay maalmahaanba Warbaahinta u sheegayeen in si khalafsan ay Dowladda Kenya ku wajaheyso Soomaalida Islii degan.

Dad la hadlay BBC

Soomaalida heysata dhalashada Kenya, ayaa waxay qabaan in arrinta ku aadan raafka Soomaalida Islii, ay ka dambeysay arrin Siyaasadeed, oo meesha looga saaraayo ganacsigii Soomaalida.

Dadka Soomaaliyeed, ayaa aragti mideysan ku muujinaaya in Madaxda Dowladda Federalka ee Soomaaliya, aynaan si sax ah kaga falcelin raafka iyo rafaadka ka dhanka ah Soomaalida Islii ku badan.

Dad la hadlay VOA