SUUQII BAYDHABA OO XALAY GUBTAY

Baydhaba (Caasimada Onlien) – Dab xooggan ayaa qabsaday guud ahaanba suuqa magaalada Baydhabo gaar ahaana suuqa bacaadlaha,waxaana la sheegay in halkaasi ay ku basbeelen inta badan goobihi ganacsi ee ku yaallay.

Dabkan waxaa la sheegay inuu suuqa ka kacay saqdii dhexe ee xalay waxa uu ka kacay suuqa Bacadlaha Beydhabo, kaas oo ay ku bas-beeleen hanti farabadan oo ay lahaayeen dad rayid ah, waxuuna baabi’iyay qeybo badan oo ka mid ah suuqa Bacadlaha .

“Saqdi dhexe ee xalay ayuu dabka kacay,waxuuna basbeeliyey inta badan goobihii ganacsi ee goobta ku yaallay,balse waa loo gurmad oo waa la damiyey” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ay goobtodi ganacsi dabku ka basbeeliyey.

Ilaa siddeed goobod oo ganacsiga yar yar ah ayaa dabku uu qabsaden,waxaana halka ku gubtay xarumaha ganacsiga ee ku dhawaa halka uu dabku ku xooggana.

Ma jirto wali cid xaqiijisay sababta rasmiga ah ee ka dambeeysay dabkaasi, mana jirin qasaare nafeed oo ka dhalatay dabkaasi, inkastoo maamulka iyo shacabka magaaladaasi ay si wadajir ah uga qeybqaateen deminta dambkaasi.

Suuqa bacadlaha ee magaalada Baydhabo,waxaa uu ku dhowyahay kawaanka hilibka ee magaalada,waxuuna ka mid ahaa suqyada ugu mashqulka badan oo inta badan dadku usoo dukaamaysi tagi jireen.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com