Raila Odinga oo u hiiliyey Soomaalida

Boston (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya Rail Odinga ayaa eedeeyay qaabkii ay dowlada Kenya ula dhaqantay dadka Soomaaliyeed, howlgalada ay kula dagaalamayso argagaxisada ee magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

Mr Odinga oo la wareystay isagoo jooga Boston,Massachusetts ayaa sheegay in uu aad ula yaabay in ciidamada dowlada ay ka dhigteen yoolkooda Soomaalida markii ay baaritaanka ku sameynayeen dadka lagu tuhunsan yahay in ay ka mid yihiin argagaxisada deegaanka Eastleight.

“Qaladku ma ahan oo kaliya qaabka ay dowlada uga raadisay dadka lagu tuhunsan yahay argagaxisanimada balse waxa ka daran waxa taasi ka dhalan kara mustaqabalka. Ma haboona in ciidamada loo fasaxo in ay mid ka mid ah qowmiyahada Kenya loo nisbeeyo in ay argagaxisda iyaga kaliya ay yihiin,”ayuu yiri.

Waxana uu Odinga sheegay in ay iska cadahay in dad ka soo kala jeeda qomiyado kala duwan oo aan ahayn Soomaali kaliya ay sameeyeen falal aragagaxiso ah.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya oo sii hadlay ayaa sheegay in hore loo arkay dad ka soo qowmiyado kale oo aan ahayn Soomaali oo falal argagaxiso ka sameeyay dalka Kenya.

“Waxaan aragnay dhalinyaro ka soo jeeda Luo, Luhya, Kikuyu iyo qaar kale oo la soo taagay maxkmad iyagoo loo haysto falal argagaxiso. ,”ayuu yiri Odinga.

Odinga ayaa ugu baaqay dowlada Kenya inaysan dib u soo celin wixii ka dhacay Wagala oo qowmiyada Soomaalida oo kaliya lagu bartilmaameedsaday xasuuqna ka dhacay.

Dad gaaraya afar kun oo ruux oo Soomaali ah ayaa lagu qabqabtay howlgalo ay dowlada Kenya ka bilowday dalkeeda waxaana inku dhow boqol ka mid ah dadkaas la qabqabtay loo soo masaafuriyay dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com