Seol (Caasimada Online) – Madaxweynaha mansabka laga xayuubiyay ee Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol ayaa markii ugu horreysay Sabtida maanta ah ka soo muuqday maxkamada si uu uga dagaallamo dalab ay baarayaashu ku doonayaan in la kordhiyo muddada xabsiga lagu sii haynayo, iyagoo baaritaan ku wadday isku daygiisii guuldareystay ee uu amar degdeg ah dalkaasi ugu soo rogay.
Kumanaan kun oo taageerayaasha Yoon ah ayaa isugu soo baxay bannaanka maxkamadda, waxayna isku dhaceen booliiska iyagoo ku dhawaaqayay inay taageerayaan hoggaamiyaha mansabka laga xayyuubiyay, kaasi oo Kuuriyada Koonfureed geliyey qalalaasihii siyaasadeed ee ugu xumaa muddo tobannaan sano ah iskuna dayay in uu meesha ka saaro xukunka rayidka ah.
Madaxweynaha ayaa 3-dii bishii December ku dhawaaqay amar degdeg ah oo soconayo muddo lix saacadood ah, iyadoo xildhibaanada ay sharcigaas cod ku diideen inkastoo uu amar ku siiyay askarta in ay xoog ku galaan dhismaha baarlamaanka si ay u joojiyaan codeyntaasi.
Maalma ka dib ayay baarlamaanku shaqada ka eryeen madaxweynaha.
Yoon ayaa lagu xiray weerar subaxnimadii Arbacada lagu qaaday gurigiisa, waxaana lagu soo oogay eedo danbiyeedyo ay ku jirto inuu sharciga ka horyimid ka dib markii uu diiday amar ay baarayaashu ugu yeereen. Waxaa lagu eedeeyey in taa bedelkeeda uu ciidamada madaxtooyada u kaxeystay gurigiisa si uu uga dagaallamo xariggiisa.