Muqdisho (Caasimada Online)Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan guux ballaaran oo ku aadan in madaxweynaha Soomaaliya uu doonayo in uu meesha ka saaro ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shidoon Saacid oo hadda xafiiska jooga 12-bilood.
Saraakiil ku dhow dhow xafiiska madaxweynaha oo magacooda qariyay sababo ay ugu wacan tahay inaan loo fasixin inay warbaahinta la hadlaan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in madaxweynuhu uu doonayo in uu xilka ka qaado ra’iisal wasaaraha.
Wuxuu madaxweynaha doonaya in uu magacaabo ra’iisal wasaare cusub, waana taas mida keentay in ra’iisal wasaaraha ay maanta u tagaan in kabadan 15 xubnood oo isugu jira wasiirro iyo wasiirro kuxigeenno ka tirsan xukuumaddiisa kuwaasoo ka codsaday in uu is-casilo.
Sidoo kale ilaha Warka aan ka helnay ayaa noo sheegay in Madaxweynaha uu sameeyay wadatashiyo ballaaran, waxaana u soo baxay in uu magacaabo ra’iisal wasaare cusub si uu maareeyo howlo badan oo horyaala dowladiisa, oo ay ku jirto siddii doorasho ay uga dhici lahayd Soomaaliya sannadka 2016-ka iyo in la dhammeestiro dastuurka dalka.
Waxaa muuqata in ra’iisal wasaarahu uu waayay kalsoonida inta badan golaha wasiiradiisa, waxaana markii loo jeediyay dalabka ah in uu iscasilo uu xubnahaasi u sheegay inuu jawaab ku soo celin doono kana fiirsan doono talladooda.
Raysal wasaaraha ilaa hadda wuxuu ku dhaggan yahay in uu soo magacaabi doono golaha cusub ee wasiiradiisa kuwaasoo ka badan kuwa hadda dhisan.
Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha waxaa ka socda kulamo looga hadlaayo siyaasada soo korartay.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

