Madhabaa inaanu baarlamaanka ku jirin Xildhibaan dhex dhexaad ka ah Mooshinka Jawaari (Xaqiiq)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa weli uu khilaaf ka dhex jiraa Xildhibaanada baarlamaanka Somalia oo iyagu ku kala jabay Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaanada ayaa u kala jabay laba garab waxa ayna garabka koowaad kasoo horjeedan in Guddoomiye Jawaari uu sii hayo xilka, halka garabka kale ay doonayaan in Jawaari ay kusii hayaan xilka.

Guud ahaan Xildhibaanada ayaa la sheegay inay ku kala biireen labada garab, isla markaana aysan jirin wax la yiraah Xildhibaano madax-banaan.

Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in dhammaan Xildhibaanada baarlamaanka ay u kala jabeen labada dhinac.

Waxa uu Xildhibaan Dalxa sheegay inaanu jirin wax la yiraahdo Xildhibaan Madax-banaan, balse dhammaan ay qeyb ka yihiin xiisada jirta.

Waxa uu Dalxa cadeeyay inaan baarlamaanka xiligaan laga dhex heli karin Xildhibaano dhex dhexaad ah oo mooshinka ka madax banaan laakin Xildhibaanadu ay yihiin kuwo mooshinka keenay iyo kuwo kasoo horjeeda.

Dalxa, waxa uu intaa ku daray in Mooshinka la keenay aysan jirin cid bedel ku sameyn karto isla markaana lagala bixi doono maalinta cod u qaadista mooshinka ka yaalla Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada qaar ayaa iska fogeynaaya kamid noqoshada dhinacyada isku haya Mooshinka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com