Madoobe Nuunow oo shardi ku xeray inuu la kulmo Madaxweyne Xasan Sh.

Baydhabo (Caasimada Online) –  Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka taagan xaalad cakiran kadib markii maamulo iska soo horjeeda dhawaan looga dhawaaqay magaaladaasi, iyadoo dowlada hal dhinac ay la safatay.

Arintaasi ayaa sababtay in madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud maalintii shalay uu gaaro magaalada Baydhabo, iyadoo ay dhaceen banaanbaxyo ka dhan ah madaxweynaha.

Wariye ku sugan magaalada Baydhabo ayaa u sheegay Caasimada Online in saaka la qorsheynayo in madaxweynaha dalka iyo gudoomiyaha baarlamaanka ay la kulmaan waxgaradka magaalada iyo maamulada labada dhinac.

Madoobe Nuunow Maxamed oo ah madaxweynaha lixda gobo lee koofur Galbeed ayaa sheegay in Xasan Sheikh uusan la kulmaynin haddii uu tagitaankiisa ka bilaabo Hotel Bakiin oo ay ku shirsan yihiin maamulka Seddexda gobol.

Madoobe Nuunow, ayaa dhawaan waxaa ergo isku timid ay u doorteen madaxweynaha maamulka lixda gobo lee koofur galbeed Soomaaliya.

Xaalada magaalada Baydhabo ayaa ah mid kacsan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com