Dhageyso: Shariif Xasan Sh oo shaaca laga qaaday inuu ku dhaqaaqay arrin..

Muqdisho (Caasimada Online) – Xidlhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu fashiliyay maamulka 3-da Gobol ee dhawaan Baydhabo looga dhawaaqay.

Afhayeenka Maamulka saddexda Gobol C/qaadir Shido oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu ku eedeeyay Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu masuul ka yahay fashil uu sheegay inuu ku yimid maamulka saddexda Gobol.

Wuxuu sheegay in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu meesha keenay wax aan soconeyn sida uu yiri, inkastoo uusan faah-faahin ka bixin waxyaabaha sida rasmiga ah uu ugu eedeynayo Shariif Xasan ee uu ku fashiliyay maamulka saddexda Gobol.

“Anigu arintaasi ma aqbalin waxaana umadda Shabeelaha hoose degan iyo shacabka Soomaaliyeed usheegaya in shirkii 3-da Gobol uu fashilmay uu fashiliyay Shariif Xasan Sheekh Aadan, masuuliyadeedana uu isaga qaadayo”Ayuu yiri C/qaadir Shido Afhayeenka Maamulka saddexda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya.

C/qaadir Shido, ayaa ku tilmaamay waqti badan iyo juhdi ay bixiyeen masuuliyiintii dhisay Maamulka saddexda Gobol uusan hada waxba ka jirin, sababtana ay tahay in Shariif Xasan uu maamulkaasi meesha ka saaray.

Baydhabo oo ah xarunta Gobalka Baay, waxaa ka taagan jahwareer siyaasadeed oo udhaxeeya saddex Gobol iyo lix Gobol, iyadoo hada Magaaladaasi ay joogaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda gaar ahaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo u tagay Magaaladaasi xalinta xiisadaha halkaasi ka taagan.

Halkan ka dhageysi Shido

120323_003

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com