Dibadbaxyo rabashado wata oo hadda ka socday magaalada Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dibadbaxyo waaweyn ay hadda ka socdaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Dibadbaxyada ayaa waxaa dhigaya taageerayaasha maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed, kuwaasoo ku dhawaaqayada hadallo ay ka mid yihiin in madaxda dowladda ee ku sugan Baydhabin in ay aqoonsadaan maamulka lixda gobal.

Xaalada magaalada ayaa kacsan, waxaana xiran inta badan ganacsiga magaalada sidoo kale waxaa is-taagan isku socodka dadka iyo gaadidka.

Dadka dibadbaxayaya ayaa ku eedeenaya madaxweynaha in uusan taageersaneen maamulka lixda gobal oo uu taageersan maamulka seddaxda gobal ee toddobaadkii horre looga dhawaaqay.

Ilaa hadda ma jirto wax khasaaro ah oo ka dhashay dibadbaxyada ballaaran ee ka socda tododbaadkii labaad magaalada Baydhabo.

Ma cadda sidda ay wax noqon doonaan, waxaana magaalada ka dhisan labo maamul oo isku soo horjeeda.

Maamulka lixda gobal waxaa madaxweyne u ah Madoobe Nuunow Maxamed halka maamulka seddaxda gobal uu madaxweyne u yahay Maxamed Xaaji Maddeer.

Faah-faahinta warkan ka soco Caasimada Online in shaa allah