MADOOBE OO U JAWAABAY JAWAARI

Baydhabo (Caasimada Online)- Kaddib markii shaley uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari maalinta Axadda in magaalada Baydhabo uu ka furmaayo shirweyne dib u heshiisiin oo lagu mideenaayo maamulada is khulaafsan ayaa arrintaas waxaa ka jawaabay maamulka lixda gobal ee uu madaxda ka yahay Madoobe Nuunow.

Ugaas Maxamuud Ugaas Maxamed Nuur oo madax u ah guurtida maamulka lixda gobal ayaa warbaahinta u sheegay in laga been abuurtay maamulkooda oo la yiri waa ay aqbaleen dhismaha maamulka seddaxda gobal iyagoona ka tanaasulay maamulkii lixda gobal.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Jawaari oo kulan la qaatay Madoobe Nuunow iyo taagaareerayaashiisa
Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Jawaari oo kulan la qaatay Madoobe Nuunow iyo taagaareerayaashiisa

Ugaaska ayaa ka dhawaajiyay in warkaas uu yahay mid aan sal lahayn isla markaana ay weli ku taagan yihiin mowqifkooda ah in ay yihiin maamul lix gobal balse wuxuu ka dhawaajiyay in ay oggol yihiin haddii la wadahadlaayo.

Wuxuu sheegay oo kale in kulamada ay la yeesheen guddoomiyaha baarlamaanka ay u sheegeen mowqifkooda iyo in uu weli jirro maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Si kastaba, afhayeenka baarlamaanka ayaa maalintii Khamiista ka sheegay Baydhabo in la qabanaayo shirweyne dib u heshiisiin oo ay ka soo qeybgali doonaan dhammaan dhinacyada isku khilaafsan Baydhabo iyo waxgaradka magaalada si loo soo afkaro khilaaf ka tagan halkaas loona dhismo maamul seddax gobal oo dowladda iyo beesha caalamka ay aqoonsan tahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com