XOG: Khilaaf meel xun maraya oo weli ka dhex oogan Erag iyo Sanbaloolshe

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida lagu soo waramaayo waxaa maalmahaani aad u xumaaday xiriirka ka dhexeeya Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Erag iyo Aggaasimihii wakhtigiisu dhamaaday ee Hay’adda Nabadsugida Qaranka Somalia C/llahi Sanbaloolshe oo iyagu xiligaani isku hayo Arrinta Ammaanka.

Warar hoose ayaa sheegaya in Labada Mas’uul laga cabsi qabo inay fooda is daraan, waxaana la soo sheegayaa inay kala jarteen wadooyinka mara hooyga labada Mas’uul.

Isku dhaca labada Mas’uul ayaa la soo sheegayaa inuu bilowday kadib markii weerar culus lagu qaaday Hooyga Axmed Daaci iyo Siyaasi C/llahi Xassan.

Aggaasimihii xilka laga tuuray C/llahi Sanbaloolshe, ayaa la Tilmaamayaa inta uu xilkaasi hayay uu adeegsanaayay Awoodaha Wasiirka Amniga Khaliif Erag, isagoona lagu eedeeyay in Howlgaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho uusan la socodsiinin laamaha Ammaanka sida Wasiirka Amniga oo uu la baal-maray.

C/llahi Sanbaloolshe oo colaad saadalinaaya, ayaa waxaa la soo sheegayaa inuu jaray gabi ahaan wadooyinka Xafiisadiisa gala, maadama uu xaalku yahay mid alow-sahal waxaana xili waliba laga cabsi qabaa inay fooda is daraan, iyadoona uu xiligaani Sanbaloolshe diidan yahay inuu si nadiif ah ku wareejiyo xilka.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa la Tilmaamayaa inuu Sanbaloolshe uu ugu baaqay inuu xaalada dajiyo balse wixii faragaliya Howlihiisa uu iska qabto taasi oo keentay in Labada Mas’uul ay meelo fog iska ugaarsadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com