Madaxweynaha Xasan Sheekh oo laba jibaaray awoodaha Guuleed (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa sii laba jibaaray awoodaha aan sharciga ahayn ee uu haysto Wasiirkii hore ee Amniga DF C/kariin Guulleed, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku dhow..

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan uu Guulleed u gacan galshay shaqooyin wasiir loogu talo galay, taasi oo ka danbeysay kadib markii laga qaaday xilkii Amniga ee uu u haayay Dowlada Federaalka.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu Guulleed hoos geeyaa arrimaha ay qaban lahaayen Wasaarado ka tirsan DF oo ay kamid yihiin Arrimaha Dibadda, Heshiisyada iyo Ammaanka, waxaana sidoo kale la sheegayaa in Guulleed uu kala qoondeeyo gabi ahaan dhaqaalaha iyo kala soocida shaqsiyaadka safarada u raaco Madaxweynaha, xiliyada uu socdaalka ku baxayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa ay siyaasad ahaan aad isugu dhow yihiin C/kariin Guulled oo kamid ahaa dadka ay ka go’do go’aanka Ururka Dam-Jadiid, waxa uuna xiligaani ku hayaa Xarunta Madaxtooyada isagoona ku raadinaayo xilal ama Safaarado dhaqaale leh, maadaama ay DF mareyso heer gabagabo.

Sidoo kale, C/kariin Guulleed ayaa waxa uu dhawaan howlo indha-indhey u tagay Dalka Turkiga si muuqaal iyo Siyaasad ahaanba looga soo iibiyo Madaxweynaha Cusub Dalka Turkiga Ardugan, waxaana  iminka lasoo tabinayaa in heer gabogabo ay mareyso magacaabidiisa.

Dhanka kale, waxaa Siyaasadaha Xassan iyo Guulleed dhaliilo kala duwan ka muujinaaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DF oo iyagu Aaminsan in xilka loo dhiibay uu yahay mid Afka ah, balse Howluhuna ay hoos socdaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com