Magaalada Muqdisho oo habeen kasta ‘lagu dilo’ laba ama saddex askari + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Maxamed Xasan (Xijaar) oo ka hadlayey xaaladda Muqdisho ayaa ka dayriyey ammaanka caasimada, wuxuunna sheegay inay kordheen falalka liddiga ku ah amni guud ee dalka.

Xijaar oo la hadlayey Wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in habeen weliba la dilo ugu yaraan 2 askari illaa 3 askari, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha Booliska ayaa xusay in dhacdooyinkaasi ay inta badan geystaan kooxaha burcadda ah, haddii la dilana uu sheegay in eed loo jeedinayo Booliska Soomaaliyeed.

”Runta haddaan idin sheego habeen kasta labo ilaa seddax Askari oo Boolis ah ayaa la dilaa, haddaad Tuuga xabad kala horreyso oo aad dishana waxaa la leeyahay Booliska cid buu dilay,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Boolisku uu laba jibaaray shaqadiisa, maadaama lagu jiro marxalad doorasho iyo xaalad adag oo kala guur ah, taas oo ka dhalatay doorashada.

Taliye Xijaar ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Muqdisho inay iskaashi la sameeyaan laamaha ammaanka, si looga hortago kooxaha dhibaatada ku ah amniga caasimada.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo beryihii u dambeeyey ee kordheen dilalka iyo weerarada ay geysaan kooxaha ciyaal weerarada ee ku sugan gobolka Banaadir.