Magaalada Muqdisho oo lagu arkaayo ciidamo iyo gaadiid dagaal oo cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo iyo Gaadiid dagaal oo kala midab ah.

Ciidamada iyo Gaadiidka ayaa waxaa lagu arkayaa Isgoosyada waaweyn ee magaalada Muqdisho, kuwaa oo qeyb ka ah ciidamada Xasilinta caasimada.

Ciidamada oo Shan shan u taagan Isgoosyada magaalada ayaa baaraya dhammaan gaadiidka raaxada, BL-ka iyo Gaadiidka kale ee isticmaala waddooyinka mashquulka badan.

Waxa ay sidoo kale Hubka ka xisaabinayaan Gaadiidka ay la socdaan mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ciidan kuwaa oo maalmo un ka hor la faray inaanu qaadan Karin 4 qori kabadan.

Xukuumada Somalia, gaar ahaan Wasaarada amniga ayaa Seddex maalin un ka hor sheegtay inaanu mas’uul ka noqon doonin cawaaqibta uu la kulmo mas’uulkii ama Sarkaalkii Muqdisho ku dhexqaata Afar qori iyo wixii kabadan.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamadaani ayaa loogu tallo galay inay xaqiijiyaan amniga magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com