Maxaa laga filan karaaa shirka maamul goboledyada ee Baydhabo ka furmayo Maanta?

Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo  ee Xarunta  Maamulka Koonfur Galbeed si rasmi ah uga furmi doono shir ay isugu imaanayaan Madaxda maamul Goboleedada dalka.

Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa Shalay gaaray Magaalada Baydhabo si ay uga qeyb qaataan kulanka Maanta ka furmayo madaxtooyada cusub ee maamulka Koonfur Galbeed.

Shirkaan ayaa imaaday kadib markii uu sii xoogeystay khilaafka Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe, gaar ahaan arrinta Khaliijka.

Madaxweynayaashaa Jubbalanad iyo Puntland oo dhawaan tagay dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay inay heshiis la geli karaan Imaaraadka isla markaasna aysan ku qanacsaneyn go’aanka dowladda Dhexe.

Haddaba Shirkaan ayaa diirada lagu saari doono khilaafkaan cusub, sidoo kalana waxaa la filayaa inay qodobo kasoo baxaan sida midkii Kismaayo ka dhacay oo kale.

Dadka Falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan inuusan shirkaan wax isbadal ah ku sameyn karin go’aanka dowladda dhexe.

Qodobadii kasoo baxay shirkii hore ee Kismaayo ka dhacay ayaa meel cidlaa ku haray kadib markii madaxda Maamul Goboleedyada ay imaadeen Muqdisho isla markaasna la siiyey mid kasta Hal Malyan oo Dollar.

Shirkii Kismaayo kadib waxaa la ogaa inay Muqdisho ku kulmeen madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe, waxaana la waayey hal Madaxweyne maamul Goboleedyada oo shaaciyo go’aanka rasmiga ah ee laga gaaray waxyaabihii la isku hayey oo ay ugu horeysay Khilaafka Dowladaha Khaliijka iyo cidda leh awoodda Arrimaha Debadda.

Falanqeeyaasha siyaasadeed ayaa shirkaan kaliya ku tilmaamay in lagu doonayo in lagu yareeyo culeysyada soo wajahay madaxweynaha Jubblanad Axmed Madoobe oo la kulmayo cadaadis aad u weyn.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa horey ugu heshiiyey in la garab istaago madaxweynihii culeys kala kulmo dowladda dhexe, waxaana muuqato inuu shirkaan ka jawaabayo heshiisyadii Kismaayo lagu galay ee waqtigaas lagu garab istaagayey madaxweynaha Galmudug oo qaar ka tirsan xildhibaanadiisa ay xilka ka qaadeen iyo madaxweyne Shariif Xasan oo culeys weyn la kulmayey waqtigaas.

Haddaba waxaa la sugayaa go’aanada kasoo baxo shirkaas, sida loo fullin karo iyo jawaabta ay arrintaas ka bixiso dowladda dhexe ee uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com