Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulanka Muuse Biixi & Michael Keating ??

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Somaliland Biixi Cabdi, ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula yeeshay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia Mr Michael Keating.

Waxa kulanka qeyb ka ahaa Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Cali Jaamac iyo wasiirka arrimaha dibadda, Sacad Cali Shire.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa loogaga wadahadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta uu maamulka Somaliland la leeyahay QM iyo in xal loo raadiyo Khilaafka maamulka kala dhexeeya Dowlada Somalia.

Kulanka waxa ay sidoo kale Biixi iyo Keating uga wada-hadleen arimo ay kamid tahay Abaaraha, Xaalada Roobka ee Sanadan, Nabad Galyada, Wadashaqeynta iyo Doorashooyinka Sanadka soo Socda.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa ka warbixiyey kulanka ergayga iyo Hogaamiyaha, waxaanu sheegay in laga wada hadlayey sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka UN-ta iyo Somaliland iyo arrimo khuseeya Dowlada Somalia.

“Hogaamiyaha iyo Ergayga gaarka ah ee xoghayaha jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa waxa ay ka wada hadleen waxyaabo badan oo la xidhiidha xagga amuuraha Bani’aadamnimada, xaaladda roobka sanadkan, arrimo la xidhiidha nabadgelyada, arrimo kale oo la xidhiidha doorashooyinka sanadka soo socda iyo sidii aynu guud ahaan inaga iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa aynu u wada shaqayn lahayn.”ayuu yidhi Shire.

“Hogaamiyuhu waxaanu ka wada hadlay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin doorashooyinka soo socda oo ay sheegeen inay ka go’an tahay in wakhtigeedii dhacaan iyo arrimaha Tuko raq oo loo baahan yahay in arrintaasi xal nabadeed lagu dhameeyo oo khilaafaadka ka jira xadka sidii loo dhameen lahaa, waana kulankii labaad ee aan la yeeshay madaxweynihii” ayuu yiri Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Keating.

Sidoo kale, Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arimaha Somaliya ayaa iska diiday inuu ka Jawaabo Su’aal Saxaafada ay ka weydiisay arimaha Dagaalada Tukaraq ee Somaliland iyo Puntland, Maadaama uu ka Yimid Garoowe, ka hor Socdaalkiisii Hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee, Kulankan dhexmaray Hogaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa noqonaya kii labaad ee ay yeeshaan, muddada shan bilood ah ee ay xukuumaddani jirtey.