Akhriso arrimaha diiradda lagu saari doono shirka maamul goboleedyada ee maanta

Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxda Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya ayaa Maanta Shir xasaasi ah ku yeelan doono Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamul Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa la filayaa inuu shir guddoomin doono shirkaan u furmayo dowlad Goboleedyada Soomaaliya, wuxuuna ka dhici doonaa Madaxtooyada cusub ee Koonfur Galbeed.

Sida aan xogta ku helnay shirkaan ayaa intiisa badan looga hadli doonaa sidii laga yeeli lahaa Khilaafka ka dhaxeeyo dowladda iyo Maamul Goboleedyada ee ku saabsan Dowladaha Khaliijka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubblanad oo dhawaan tagay dalka Imaaraadka Carabta ayaa si rasmsi ah ugu dhawaaqay inay Imaaraadka la safan yihiin isla markaasna ay la geli karaa heshiis kasta.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa labadaan madaxweyne kula soo heshiisay in shirka Baydhabo la dadajiyo isla markaasna laga soo saaro qodobo culeys lagu saarayo dowladda Dhexe, waxaana lasoo siiyey lacagtii lagu fangareyn lahaa shirkaas.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa la filayaa inay shirkaas kasoo saari doonaan qodobo xasaasi ah oo ku saabsan go’aankooda ku aadan Xiisadda ka dhaxeyso dowladda dhexe iyo Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale shirkaan ayaa waxaa la doonayaa in culeyska looga yareeyo Madaxweynaha Jubblanad Axmed Madoobe oo maalmihii ugu dambeeyey la kulmayey culeys siyaasadeed kadib markii ay ku kaceyn qaar ka tirsan siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo Odayaasha kasoo jeedo deegaanada uu ka taliyo maamulkaas.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa horey ugu heshiiyey in la garab istaago madaxweynihii culeys kala kulmo dowladda dhexe, waxaana muuqato inuu shirkaan ka jawaabayo heshiisyadii Kismaayo lagu galay ee waqtigaas lagu garab istaagayey madaxweynaha Galmudug oo qaar ka tirsan xildhibaanadiisa ay xilka ka qaadeen iyo madaxweyne Shariif Xasan oo culeys weyn la kulmayey waqtigaas.

Shirkaan ayaa laga soo saari doono qodobo gaarayo ilaa 18 qodob. sidoo kalana waxaa jiri doono qodobo aan saxaafadda lala wadaagi doonin isla markaasna ay ku heshiin doonaan Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jiro.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com