Xog: Muxuu ku qotomaa hardanka maamullada iyo dowladda dhexe?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa meeshii ugu sareysay gaaray Khilaafka dowladda dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya ee kala ah Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo kan Jubblanad ee uu hoggaamiyo madaxweynaha culeys maalmahaan la kulmayo ee Axmed Madoobe.

Haddaba waxaa is waydiin mudan, muxuu ku saleysan yahay hardanka madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe?

Arrimaha Khaliijka

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa isticmaaleyso Maamul Goboleedyada dalka kadib markii ay dowladda dhexe go’aan dhex dhexaad ah ka qaartay khilaafka soo kala dhex galay dowladaha Khaliijka kaasoo keenay in la go’doomiyo Dalka Qatar.

Awoodda maaliyadeed iyo mid fikir oo ay xambaarsan yihiin madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka ayaa ah  mid ay dabada ka riixeyso dowladda Imaaraadka Carabta oo rabto inay culeys weyn saartay dowladda dhexe si loogu fuliyo dano siyaasadeed oo ay dalka ka dooneyso.

Imaaraadka Carabta ayaa maamul Goboleedyada dalka u aragtay inay yihiin wadada kaliya ee loo adeegsan karo majaxaabinta dowladnimada Soomaaliya, waxayna lacag Malaayiin Dollar ah ku siisay sidii ay uga hor imaan lahaayeen dowladda Dhexe.

Lacag:

Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa dowladda dhexe ka waayey Budget ku filan maamuladooda, sidaas darteed waxay Imaaraadka u arkaan inay tahay dowladda kaliya oo ay ka heli karaan adduun lacageed oo waali ah si ay ugu fushadaan danahooda siyaasadeed.

Arrimaha Debadda:

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa doonaya inay qeyb weyn ku yeeshaan Siyaasadda Arrimaha Debadda, waxaana arrintaas si weyn uga hor timid dowladda uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku doodeyso inay iyada leedahay go’aan ka gaarista waxyaabaha ku saabsan Arrimaha Debadda.

Dastuurka Dalka u yaal ayaa qabo inaysan maamul Goboleedyada yeelan karin Wasiir Arrimo dibadeed iyo mid gaashaandhig, taasoo muujineyso inay go’aankooda kaliya ay leedahaya dowladda Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com