Magaalo SOOMAALIYA ka mid ah oo wajaheysa laba halisood, qarkana u saaran in…

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa laba halisood, kuwaasi oo kala ah; argagixisada go’doomisay deegaanadeeda iyo dhibaato kale oo dhanka gaajada ah, ayada oo Soomaaliya ay mareyso xili roobaadkii 5-aad oo xiriir ah oo roob la waayay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Diini Cabdi Nuur ayaa sheegay in magaalada ay ku hareereysan yihiin dhinac walba dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Maleeshiyaada ayaa waxay ku sugan yihiin qiyaastii meel 20km ah jiho kasta, waxaana lasoo warinaya in laga yaabo inay jirto hal waddo oo amaan ah oo magaalada soo gasha.

Baydhabo ayaa sidoo kale sanadihii dambe aheyd magaalada qaabisha barakacayaashi ugu badan, taasi oo sare usii qaadaya cabsida laga qabo xaalada cuno-yari ee maamulkaasi laga soo sheegayo.

Sanadihii lasoo dhaafay, boqolaal kun oo qof oo barakacayaal ah ayaa ku qul-qulayay magaalada, halka qaarkood ay si kumeel-gaar ah u yimaadaan, sida abaartii 2017-kii, qaar kalena waxay ku jiraan waqti dheer, iyagoo leh majiraan wax ay dib ugu noqdaan.

Dhinaca kale, waxaa la sheegaya in tiro u dhaxeysa 160,000 illaa 300,000 oo ah tirada dadka barokacay ee la rumeysan yahay ay gaadhen magaalada Baydhabo tan iyo marki ay abaartii ugu dambeysay bilaawday.

Tirooyinkan ayaa waxay cadeynayaan in magaalada ay sii koreyso hase ahaate uusan jirin qorshe wax loogu qabanayo dadweynaha.