Halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka Macaawisley kadib dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Macaawisley waa mid kamid ah magac kooxeedyada dhawaan galka ku ah saaxada Soomaalida, wuxuuna dhinaca kale magacan huwan yahay dareen gobanimo oo ah ka dhiidhinta dulmiga, dabar-goynta iyo dhibaatada maalinlaha ah ee kooxda Al-Shabaab ku hayso dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolada ka fog caasimadda.

Ciidan dareenkooda adeejiyay, hubkooda la yimid, saanadooda ajnebi aan u daba fadhiisan rabana inay deegaankooda xornimo ku helaan ayaa ah sida ugu fudud ee loo qeexo kooxda la yiraahdo Macawaasiley oo si weyn caan uga ah gobolada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

Tan iyo markii ay Al-Shabaab fooda dareen, ciidanka Macaawisleyda waxay haystaan natiijo wax ku ool ah oo halka dagaalka ah.

Kooxda Al-Shabaab waxaa soo gaaray jabkii u weyna tan iyo markii Soomaalida ay u bareertay fikirkooda hubeysan, Macawaasileyda waa astaan ka turjumeysa inay shacabka Soomaaliyeed diideen inay lasii noolaadaan fikirka Al-Shabaab.

Inkasta oo uusan weli dhamaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, ayaa haddana waxa jirta su’aal marar badan soo noq-noqotay, taas oo ah halkee ku dambeyn doonaan mustaqbalka ciidanka Macaawisleyda markii la gaaro natiijada qoriga ay u qaateen oo ah in laga adkaado Al-Shabaab.

Dadka qaarkii waxay muujinayeen walaac ku saabsan in berri ciidanka ay culeys ku noqon karaan amniga iyo dowladnimada Soomaaliya, laakiin ugu dambeyn arrintaas waxa ka jawaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

Xamza oo wareysi uu dhawaan bixiyay lagu weydiiyay halka ay ku dambeyn doonaan ciidankan oo hadda door wax ku ool ah ka qaadanaya inay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka adkaato kooxaha argagixisada, ayaa sheegay inay qeyb ka noqon doonaan hay’addaha amniga.

“Dadkaas marka uu deegaankooda xoroobo laba ayey u kala baxayaan, Dad ka gadooday nimankaas Khawaarijta ah dulmiga iyo dhiiga ay daadinayaan oo dabadeed sidaas dagaalka ku galay waxay dadkaas ku noqonayaan guryahooda iyo beerahooda iyaga oo xor ah oo sharaf iyo karaamo leh,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

“Dhalinyarada kale ee soo harta waxay ka mid noqoneysa hay’addaha amniga, booliska, nabad-sugida iyo millateriga. Cidii kale ee her federaal ah hadii ay u baahan yihiina waxay noqon doonaan heer-dowlad goboleed oo waa lagu soo dhaweyn doona hay’addaha amniga.”