Magac seegay Somaliland 1991-kii oo ay eeday!

Ku dhawaad 30 sano iyo halgan dheer oo ka horreeyey, Gobolada Waqooyi ee Somaliland hadda loo yaqaan ee Soomaaliya waxaa u suuragashay in ay ka madax bannaanaadaan maamulka Koonfurta Soomaaliya.

Waxa ay 1961-kii isku dayeen afgambi noqon lahaa kii ugu horreeyey ee ka dhaca Qaaradda Africa balse fudeyd iyo waayo aragnimo yari ayaa ka dhiciseeyey.

Hase ahaatee, halgan ay la galeen Kacaankii oo ay uga daydeen kagana dhiirgalin qaateen SSDF ayaa u suuragaliyey in ay 1988 gudaha u soo galeen dhawr magaalo oo dhulkaas ka mid ah sida Burco iyo Hargeysa, yeelkeede, Kacaankii oo itaal yari kulansaday oo laga eryey Koonfurta Soomaalida iyo Caasimada Muqdisho ayaa  u fududeeyey in dhistaan bilowgii sagaashamaadkii maamul ay markii dambe ku sheegeen in ay aqoonsi uga raadinayaan dunida!

Qolada aan ka hadlayo waa nidaamka hadda ka jira Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi oo ka mid ahaa dableydii falaagada  (Jabhad/rebel group ) ahayd ee loo yaqaanay SNM.

Falaagadaas , siyaasiyiin iyo odayaasha dhaqanka ee qaar ka mid ah gobolladaas shirar ay isugu yimaadeen Burco iyo Boorame waxa ay ku yegleeleen maamul ay u bixiyeen Somaliland iyaga oo ujeedoodu ahaa in ay soo celiyaan wax ay ugu horreen dal uu Ingiriis dhaxal ahaan uga tagay balse ay sal fudeed ugu hadiyeeyeen Koonfurta Soomaaliya oo ay la midoobeen!

Hadaba maxaa seegay oo ay eedeen?

Waa dhab oo waxaa ilaa iyo manta ay raadinayaan aqoonsi aduunka kale, balse waxaaba dhib ku noqday magacii ay la bexeen.

Somaliland – magacaas waxa uu leeyahay saddex macno oo haddii lagu darayo magacyo saddex dal oo Yurub ah kaliya ku kala duwan wadamadaas reer Yurub! Waa British Somaliland, French Somaliland iyo Italian Somaliland!

Saddexdaas dal waa kuwii kala guumeysanayey dhulalkaas Soomaaliyeed waagii adoosiga.

Garashada magaca Somaliland waa dhulkii Soomaalida! Oo haddii ay sidaas tahay, soo kama habbooneyn si looga sooco Soomaaliya, midda Koonfureed in ay la baxaan magac fududeynaya arrintaas?

Muxuu noqon karay?

Puntland! Haa, Puntland haddii ay qaadan lahaayeen, waxaa hubaal ah in maanta xoogaa arrintooda sida hadda tahay ka gedisnaan lahayd.

Soo hadda maamul looma yaqaan magacaas?

Haa, balse waagaas maamulka hadda adeegsada ma abuurneed oo waliba ma soo dhaweyn! Waxaa turuqa loo aasay 1998-kii halka qolada uu seegay la dhisay 1991-kii.

Magaca Puntland ugu yaraan waxa uu ka taageeri lahaa, iska daa dadyowga aduunka kale ee, xataa dhallinyarada Soomaalida ah ee aan siyaasadda garashada wacan ka haysan oo ilaa iyo maanta u haysta Somaliland ama gobol maamulka Muqdisho hoos yimaada ama la mid ah Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland!

Miyeysan run ahayn in fallaagadii gundhigga u ahayd in Somaliland la dhiso seegay oo ay eedeen magaca PUNTLAND!

W/Q: Nuur Axmed Ciise
Nairobi, Kenya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid