Magacaabista Golaha Wasiirada oo mar kale dib usii dhacday iyo xog cusub oo soo baxday

Muqdisho (Caasimada Online)- Daqiiqadba daqiiqada ka dambeyso waxaa isisoo tarayo wararka ku saabsan magacaabista golaha wasiirada oo noqotay arrinta ugu hadal heynta badan Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Asbuucii lasoo dhaafay ayaa la filayey inuu Ra’isulwasaare Kheyre ku dhawaaqo golihiisa wasiirada balse midaas ma dhicin waxaana imaatay dib u dhac kadib markii ay is khilaafeyn qaar kamid ah beelaha Soomaaliya.

Haddaba markaas kadib waxaa soo baxayey warar sheegayo in wasiirada lagu dhawaaqi doono asbuucaan hadda bilawga ah gaar ahaan maalinta Talaadada ah, balse hadda waxaa soo baxay war kale oo midaas ka duwan.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa go’aansaday inuu dib u dhigo magacaabista golaha wasiirada si uu meesha uga saarayo cabashooyin yar yar  ee ka jiro xafiiska Ra’isulwasaaraha.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegayo inay macquul tahay in la isla gaaro ilaa dhamaadka 30-ka maalin ee uu dastuurka u ogol yahay Ra’isulwasaaraha inuu kusoo magacaabo golihiisa wasiirada.

Dib u dhaca markasta ku imaanayo golaha wasiirada ayaa la sheegay inay sabab u tahay loolanka adag ee loogu jiro xilalka wasiirada ugu muhiimsan, wuxuuna inta badan culeys kala kulmyaan Shaqsiyaad iyo beelo.

Dib u dhacaan tirada badan ayaa imaanayo Xilli uu madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo uu Ra’isulwasaaraha uu soo magacaabay ka codsaday inuu 15 maalin gudahood kusoo magacaabo wasiirada si uu yiri loo ilaaliyo waqtiga baxayo maadaama dowladda looga fadhiyo waxqabad badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com