Xaqiiqooyin laga diiwaan geliyey safarka uu Gaas ku aadayo Imaaraadka iyo xog kasoo baxday

Boosaaso (Caasimada Online)- C/wali Maxamed Cali Gaas oo ah Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa safar rasmi ah ku tagi doono wadanka Imaaraadka Carabta markii uu Addis Ababa kula kulmo Ra’isulwasaaraha Itoobiya.

Haddaba safarkaas uu Imaaraadka ku tagi doono Gaas ayaa ujeedkiisa lagu sheegay inuu yahay sidii uu Gaas usoo dhameystiri lahaa heshiiska ay Imaaraadka ku qaadan rabto Dekadda Berbera oo ah midda labaad ee ugu weyn Soomaaliya.

Cabdiweli Gaas oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa ka dhawaajiyey inuu safarkiisa yahay mid lagu raadinayo Amniga iyo horumarinta dhaqaalaha Puntland.

“Safarka aan ku tagi doono dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, waxaa howlo la xiriira arrimaha amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxaa rajeyneynaa in safarkaas alle nagu guuleyn doono, oo wax badan oo kheyr u ah Puntland iyo shacabkeeda aan ka keeno, kana soo faa’idno”ayuu yiri C/wali Gaas.

Haddaba Safarka uu Gaas ku tagi doono Imaaraadka ayaa laga diiwaan geliyey xaqiiqooyin ku saabsan safarada uu Gaas ku aado Dibadda.

Cabdiweli Gaas ayaa noqday Madaxweynihii ugu safarka badnaa ee ebed soo mara Maamulka Puntland waana midda keentay inay taageerada kala noqdaan shacabka Puntland iyo ciidamada oo maalmihii ugu dambeeyey gadood ka wado Garoowe.

Sidoo kale Safarka uu Gaas ku tagi doono Imaaraadka ayaa isna ka dhigan inuu Gaas yahay madaxweynihii Puntland soo mara ee safaradii ugu badnaa ku tagay Imaaraadka Carabta, sidoo kalan wuxuu noqday Madaxweynaha kaliya ee madaxda maamul goboleedyada oo safarka ugu badan ku taga Imaaraadka Carabta.

Cabdiweli Gaas ayaa maalmihii ugu dambeeyey siyaasad ahaan ku xirmy Imaaraadka Carabta wuxuuna ka dhawaajiyey inay dowladaas Puntland siiso saanad Military iyo caawimaad dhaqaale ayna kala dhaxeyso xiriir wanaagsan.

Imaaraadka Carabta ayaa bilawday inay xiriiro dhaw dhaw la sameysato maamul goboleedyada ka jiro Soomaaliya iyadoo aan ogeysiin dowladda dhexe ee Soomaaliya taasoo keentay inuu xumaado xiriirka labada Dowladood.

Caasimada Online
Xafiiska Bosaaso
Caasimada@live.com