Magacaabista Jabriil: Xasan Sheekh ‘oo ka fogaaday’ khalad la mid ah kii Farmaajo

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jabriil Ibraahim Cabdulle u magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Magacaabistan ayaa imaneysa kadib markii Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) uu soo afmeeray shaqadii diblomaasiyadeed ee Kenya, ee uu ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiya dalkaasi muddo shan sano ah.

Magacaabista Jabriil ayaa lagu qeexay mid muhiim ah, sababtoo ah danjiraha cusub ayaa loo arkaa mid ay is-fahmi karaan dowladda Kenya, isaga sanado badan kasoo shaqeeyey dalkaas.

Abdullahi Mohamed, oo fallanqeeya Geeska Afrika, ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu doortay shaqsi fahamsan Kenya iyo Soomaaliya. “Wuxuu ka dheeraaday khaladaadka madaxweynihii ka horreeyey [Farmaajo] ee la xiriiray Kenya,” ayuu yiri.

“Jabriil Cabdulle wuu fahmsan yahay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal,” ayuu u Abdullaahi u sheegay wargeyska The East African.

“Wuxuu aqoon u leeyahay jilba-weynta siyaasadeed ee Kenya, taasi oo u sahleysa inuu abuuro iskaashi istaraatiijiyadeed oo xooggan.”

Jabriil ayaa beddelaya Maxamed Nuur Tarsan oo uu magacaabay madaxweyne Farmaajo 2018-kii, kaasi oo intii uu fadhiyey Nairobi labada dal ay dhex-mareen iska hor-imaadyo diblomaasiyadeed.

Shantii sano ee la soo dhaafay ee uu Kenya ku sugnaa waxaa ka mid ahaa dhacdo ay labada dhinac xiriirka isu jareen 2019-kii, labo jeerna ay hakiyeen duulimaadyadii tooska ahaa ee u dhaxeeyay.  

Shaqada ugu horreysay ee Jabriil ayaa ah hagaajinta xiriirka labada dal iyo fududeynta furitaanka xuduudda labada dal, ayada oo Soomaaliya ay hadda ku biirtay ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Soohdinta ay wadaagaan labada dal ayaa xirneyd tan iyo 2009-kii, waxaana Nairobi ay dhawaan dib u dhigtay dib u furista si loo qiimeeyo xaaladda ammaanka.

Jabiril ayaa ku lug lahaa nabad dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, isaga oo madax ka ahaa hay’adda CRD oo shaqooyin wanaagsan kasoo qabatay Soomaaliya.